Ciidanka booliiska deegaanka Ceelasha Biyaha ee dulleedka Muqdisho ayaa hawlgal kusoo qabtay tiradii ugu badnayd oo ciyaal-weero ah, kuwaas oo watay tooreeyo iyo baangado. Kooxdan ayaa lagu eedeeyey inay ku hawlanaayeen dhibaateynta shacabka ku nool deegaankaas.
Ciidanka ayaa ku qabqabtay kooxdan hawl-gal ay ka sameeyeen waaxda Jabad-geel ee deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana lagu soo xiray dhammaantood saldhigga guud ee deegaanka.
“Howlgalada ka dhanka ah ciyaal-weerada iyo burcadda ayaa si wanaagsan u socda, waxaana taliska booliiska qaybta guud ka go’an sii laba-jibaaridda hawlgalladaan, si ammaanka bulshada uu u noqdo mid sugan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn, Maalmo ka hor ayay ahayd markii maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha hay’adaha ammaanka ay kawada hadleen sidii wax looga qaban lahaaa amniga caasimadda iyo deegaannada ku gadaaman.














