Ciidamo u Tababaran Sugidda Amniga oo Hawl-gallo ka billaabay Muqdisho

0
428

Ciidammo cusub ayaa caawa hawlgallo ka billaabay degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood, iyagoo baaritaanno ku sameynayay bajaajta iyo gaadiidka raaxada.

Ciidamadan ayaa loogu talo-galay inay sugaan amniga caasimadda dalka ee Muqdisho, iyadoo dhawaan ay Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo Duqa Muqdisho ay ciidamadan ku booqdeen Xerada Hiil-weyne ee dulleedka Muqdisho.

Hawlgallada ay ciidamadan caasimadda ka billaabeen ayaa looga hortagayaa firxadka Alshabaab ee soo buuxiyay Muqdisho, kaddib markii looga adkaaday furumaha dagaallada.

Dhanka kale, ciidamadan hoostaga taliska booliiska ayaa waxay hadda si wadajir ah ula hawl-galayaan ciidankii booliiska ee horay amniga caasimadda gacanta ugu hayay.

Ciidamadan ayaa lagu soo tababartay dalka Uganda, waxaana bishii hore tababarka u soo xiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn, Waxaa caawa Muqdisho ka da’ay Roob Mahiigaan ah, kaasoo billowday gabal-dhicii ayaa hordhac u ah roobabka xilliga guga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here