Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kormeeray qaybo ka mid goobaha danta guud oo ay Dowladda Hoose ee Xamar u qorsheysay in si KMG ah loo dajiyo ciidanka booliiska ah ee u tababaran sida millateriga.
Ciidamadan ayaa dhawaan Muqdisho ka billaabay hawlgallo amniga caasimadda lagu xaqiijinayo, iyadoo shacabka ku nool Muqdisho ay si aad ah u soo dhaweeyeen ciidamadan amni xaqiijinta ka wada Muqdisho.
Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho iyo ku xigeenkiisa ayaa warbixinno diyaarinta xaruntaan ku saabsan ka dhageystay hawl-wadeennada diyaarinteeda gacanta ku haya. Iyagoo ammaanay sida ay hawluhu u socdaan.