Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Qaranka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaha qaybta guud ee booliiska Gobolka Banaadir ayaa kormeeray xalay degmooyinka dhaca dulleedka Muqdisho.
Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa u kuurgelidda xaaladda amniga Caasimadda iyo xoojinta wada-shaqeynta laamaha amniga, maamullada degmooyinka iyo bulshada, waxaana goobaha la kormeeray ka mid ahaa degmooyinka ku yaalla Galbeedka Muqdisho, gaar ahaan aaldhigga cusub ee degmada Kaxda iyo saldhig Galbeed ee degmada Dharkeenley, halkaas oo ay ku diyaarsanaayeen ciidammo isku-dhaf ah oo loo diyaariyay xasilinta Caasimadda.