Guddoomiye Madaale oo kulan Isla-xisaabtan ahaa la yeeshay Maamullada Degmooyinka Xamar-jajab iyo Waaberi: SAWIRRO

0
262

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan isla-xisaabtan iyo dardargelin shaqo ahaa la yeeshay heerarka kala duwan ee maamullada degmooyinka Xamar-jajab iyo Waaberi.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin la xariirta horumarrada iyo caqabadaha dhinaca shaqooyinka ka dhageystay maamullada degmooyinka Xamar-jajab iyo Waaberi, waxa uuna kula dardaarmay dardargelinta adeegyada bulshada loo qabto, la-dagaallanka maandooriyaha, anshax-xumada, nadaafadda iyo in laga fogaado musuqa.

Ugu danbeyn, Duqa Caasimadda waxa uu faray madaxda maamullada degmooyinka Xamar-jajab iyo Waaberi in si dhaw looga war-hayo bulshada ku nool degmada, si carruurta ay u helaan waxbarasho, dadka danta-yar la gargaaro, laguna wacyigeliyo bulshada ka shaqeynta horumarka iyo amniga degmada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here