Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo faahfaahin ka bixiyay hawlgallada amni-sugidda ah ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay soo kordhiyeen isbedello waaweyn.
Mudane Yabooh ayaa sheegay in Isbaddel muuqda oo dhanka amniga ah uu ka jiro Caasimadda, sidaas awgeed loo baahan yahay in la kordhiyo hawlgalladaas, isagoo ciidamada ku dhiirrigeliyay inay laba-jibaaraan shaqada adag ay bulshada u hayaan.
Sidoo kale, Waxa uu hadalkiisa raaciyay in marka ay socdaan hawlgallo amniga lagu sugayo si fudud loosoo qaban karo dadka dilalka iyo dhaca geysta, maadaama goobaha ay baaritaannada ka socdaan ay sababayaan in la qabto.
“Dadweynaha ku nool caasimadda waxa aan ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan oo garab-istaagaan ciidamada hawlgallada kawada Muqdisho, si loo xoojiyo xasilloonida Gobolka Banaadir,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir.
Mudane Yabooh ayaa hadalkiisabku daray: “Marka ay socdaan hawlgallo amni si fudud ayaa loosoo qaban karaa dadka dilalka iyo dhaca geysta. Adduunyadu meelaha ay horumarrada ka gaartay Caasimadaha in la qurxiyo ayaa ka mid ah, taasina waxay ku iman kartaa in dadka loo shaqeynayo ay noqdaan kuwo u nugul oo fahmi kara shawooyinka socda.”
Ugu dbeyn, Ciidamada amiga DFS ayaa hawlgallo baaris ah kawada xaafadaha degmooyinka Gobolka Banaadir, askarta ayaa goobo cusub ka sameystay xaafadaha iyo waddooyinka waaweyn ee caasimadda iyagoo baaraya gaadiidka, mootooyinka iyo dadka la socda.













