SAWIRO: Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay buundo laga Dhisayo Waddada 21-ka Oktoobar

0
358

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay mashruuc buundo looga dhisayo waddada 21 October ee ee degmada Waabari, waxaana dhagax dhigaasi goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Gobolka Banaadir.

Dhagax-dhigga mashruucan oo ay fulinayso shirkadda Hormuud ayaa ah mid ay baahi weyn u qabeen bulshada isticmaasha waddadaas, gaar ahaan ardayda dhigata iskuulka21-October kuwaasoo khatar kala kulma gaadiidka isticmaala waddadaas.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)  ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu ahmiyad gaar ah siinayo fulinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada ku nool Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here