Agaasimaha Guud ee Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Caasimadda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dolwlada Hoose ee Xamar Mudane Maxamed Suudi ayaa maanta kala qayb-galay dhallinyarada madasha iyo cagaarinta Muqdisho barnaamij ay ku dhiirrigelinayeen isbitaalka Laansareeti qaybtiisa dhimirka, si loo helo magaalo qurux badan oo la jaan-qaadda magaalooyinka horumaray.
Agaasime Suudi ayaa kula dardarmay dhallinyarada Madasha iyo Cagaarinta Muqdisho in ay ka qayb-qaataan bilicda magaalada si loo helo magaalo cagaaran.














