Arsenal oo shaki gelisay rajadeedii ku guuleysiga Horyaalka Ingiriiska ee Sanadkaan

0
346

Hoggaanka ay kooxda Arsenal u haysay Horyaalka Premier League ee Ingiriiska ayaa mar kale dib u dhac ku yimid, waxaana rajadii ay koobka ka qabtay god dheer ku riday barbarihii ay la gashay kooxda Southampton oo meel hoose uga jirta kala sarreynta horyaalka Ingiriiska ee xilli cayaareedkan.

Bukayo Saka daqiiqadii ugu dambeysay Arsenal u dhaliyay goolkii barbarraha ahaa, waxayse cayaartoyda Arsenal awoodi waayeen inay goolka guusha dhaliyaan, taasoo niyad-jabisay inta badan taageerayaashooda.Daqiiqaddii ugu horreysay cayaarta ayaa waxaa kooxda Sourhampton goolkii ugu horreeyay u dhaliyay Carlos Alcaraz, daqiiqo kaddibna waxaa goolkii labaad ka dhaliyay weeraryahankii hore ee Arsenal Theo Walcott, kaasoo cayaarta ka dhigay 2-0.

Weeraryahanka Arsenal Gabriel Martinelli ayaa daqiiqaddii 20-aad gool u dhaliyay kooxdiisa, kaddib baas uu ka helay Bukayo Saka oo isna weerarka uga cayaara Arsenal, waxayna qaybtii hore ee cayaartu kusoo dhammaatay 2-1 ay kooxda Southampton ku hoggaaminayso cayaarta.Qaybtii labaad ee cayaarta ayay labada kooxood soo bandhigeen cayaar wanaag, iyadoo foolkii saddexaad uu u xaqiijiyay Southampton laacibka Duje Caleta-Car oo bedel kusoo galay, isagoo ku dhaliyay madax.

Si kastaba ha ahaatee, kabtan Martin Odegaard ayaa gool qurux badan dhaliyay Arsenal iyadoo labo daqiiqo ay ka harsan tahay ciyaarta. Buyoka Saka ayaa goolkii barbarraha shabaqa ku hubsaday waqtigii dhimashada.

Natiijadu waxay ka dhigeysaa Arsenal inay shan dhibcood ka sareeyaan City kulankooda ugu horreeya, laakiin Man City waxaa u harsan laba kulan oo aysan weli cayaarin, taasoo laga war-sugayo sida ay hoggaanka horyaalka wax uga baddalaan.Kooxda Arsenal ayaa barbarro horay ula gashay kooxaha Livepool iyo West Ham United, waxaana ugu biirtay barbarihii ay xalay la galeen Southampton, kuwaasoo ahaa wax aan laga sugay, maadama ay kulammo yar ka harsan yihiin horyaalka.

Tababare Mikel Arteta ayaa rajo weyn ka qabay in kooxdiisu horyaalka Ingiriiska ay hanato, balse nasiib-darro weyn ayay ku noqotay natiijadii xalay ay kooxdiisu kala kulantay cayaartii 32-aad ee horyaalka Ingiriiska.

Ugu dambeyn, cayaartii xalay ayaa waxa ay ka dhacday garoonka Emirates, balse waxaa Arsenal ay dhawr jeer isku dayday inay goolal dheeraad ah ka dhaliso kooxdii ay wada cayaarayeen, inkastoo aysan u suurogelin, ayna ku soo dhammaatay cayaarta 3-3 barbarro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here