Maamulka Degmada Cabdulcasiis iyo taliska qaybta Booliiska ee Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in lagu ganacsado xeebta Liido, iyagoo sheegay in ciddii amarkaas ku xadgudubta sharciga lala tiigsan doono.
Guddoomiyaha degmada Cabdulacasiis, Ubax-Roodo Cabdi Cali iyo taliye ku xigeenka qaybta booliiska gobolka Banaadir, Cali-dhuux Cabdi Mahad-Alle oo xalay saxaafadda kula hadlay xeebta Liido ayaa sheegay inaan la aqbali karin in qalqal la geliyo amniga dadka u soo damaashaad taga xeebta.
“Waxaa xilliyadii dambe soo badsnayay ganacsiyo laga sameynayay xeebta Liido kuwaasoo sharci-darro ah, wax ahati ahna aan lahayn, kuwaasoo aan u wanagsanayn amniga shacabka,” ayay tiri Guddoomiye Roodo.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegtay in ganacsiga la ogol yahay ee xeebta ay yihiin dhismayaasha xeebta ku teedsan, ciddii ganacsi rabtana ay kireysato dhise, balse aan la aqbalayn in dhismayaasha iyo xeebta dhexdooda laga sameeyo goobo ganacsi oo aan sharci ahayn.
“Ganacsiyada sharci-darrada ah waxa ay caqabad ku noqdeen amniga iyo badqabka dadka u soo tamashle taga xeebta Liido, waxaana yimaada qof walba, xitaa Garanwaaga ayaa ku dhex dhuunta, mana aqbalayno,” ayay mar kale tiri Guddoomiye Ubax-Roodo.
Dhanka kale, Taliye ku xigeenka qaybta booliiska Gobolka Banaadir, Cali-dhuux ayaa sheegay inuu amar ku bixitay in gacan bir ah lagu qabto ciddii ganacsiga sharci-darrada ah ee xeebta Liido ka waantoobi wayda.
“Sida Guddoomiyuhu sheegtay, lama aqbali doono in ganacsi aan sharciha waafaqsanayn laga dhisto xeebta iyo hoteellada ku teedaan dhexdooda, waayo waxaa kusoo dhuuman kara kooxo dhibaateeya shacabka halkaan tamashlaha u yimaada,” ayuu yiri taliye ku xigeenka.
Waxa uu hadalkiisa ku daray: “innagoo fulinayna amarka Madaxda Qaranka iyo kuwa Gobolka Banaadir, waxaan halkan ka caddeynaynaa inaan ganacsi aan sharci ahayn laga dhisi karin soonaha loogu talo-galay ganacsiga iyo xeebta dhexdooda, ciddii lagu arkana sharciga ayaa lala tiigsan doonaa.
Ugu dambeyn, Taliye Cali-dhuux Cabdi ayaa sheegay in Taliyaha Saldhigga Booliiska Cabdulcasiis uu faray in sharci la hor-geeyo ciddii amarkaan ku xadgudubta, ciddii ganacsi rabtana ay goobaha ku habboon aadaan ama ay dhismayaal kireystaan.













