Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in 20 ka tirsan Alshabaab lagu dilay hawlgal laga fuliyay Gobolka Shabeellada Hoose.
Warkan kasoo baxay NISA ayaa waxa uu u qornaa sidan:
Hawlgal qorshaysan oo ciidanka sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa deegaannada Ugunji iyo Mubaarak ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo isugu jiray horjoogeyaal iyo malleeshiyaad, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.
Habeenkii Khamiista oo taariikhdu ahayd 20-ka Abriil 2023, ayaa koox ka tirsan malleeshiyaadka Khawaarijta ah ee hawlgalkan lagu beegsaday waxa ay isku abaabulayeen dhul hawd ah, NISA oo helay xogtooda ayaana iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ka hortagay dhagarta ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.
Marka laga yimaado malleeshiyaadka Khawaarijta ah ee la laayay, waxaa kale oo jira malleeshiyaad kale oo baxsad ah kuwaas oo lagu daba-jiro.
Hawlgallada aan dalkeenna iyo dadkeenna uga xorreynayno Khawaarijta ma joogsan doono illaa inta taako ka mid ah dhulkeena ay joogaan Khawaarijta.
Ugu dambeyn waxaana u mahad-celinaynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ee nagu garab-taagan dagaallada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.













