VIDEO: Hay’adda NISA oo Qabatay xubno Dowladda ku dhexjiray oo basaasiin u ahaa Khawaarijta

0
493

Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa gacanta ku dhigay 10 ruux oo ka tìrsan ku dhexjiray hay’adaha amniga Dowladda Fedeaalka Soomaaliya, kuwaas oo basaasiin u ahaa Khawaarinta, sida uu maanta warbaahinta i sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa intaas ku daray in kuwa kale oo ay ka mid yihiin; Ayaanle Maxamed Cali iyo Cabdisataar C/qaadir Ciise, kuwaas oo ka tirsanaa hay’adaha amniga, isagoo shacabka Soomaaliyeed ku wargaliyay in aan lala tacaamuli karin kuwa baxsadka ka ah sharciga iyo laama amniga dowladda.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta ayaa ku darsy intaas in la biaabay  gabagabeynta hawlgalka wajiga koowaad ee Khawaarijta ka dhanka ah oo looga ciribtiray goobah ay ku harsan yihiin, lagana billaabi doono Galmudug iyo Hirshabeelle si loogu gudbo wajiga labaad ee dagaalka.

Dhanka kale, waxa uu hadalkiisa raaciyay in dhawaan u la billaabayi wajiga labaad ee hawlgalka waddanka looga xoreynayo argagixisada dhubaatada ku hayay dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sheegay in qabashada xubnahan sida hoose ula shaqeynayay Khawaarijta ay ku timid markii la ogaaday inay jiraan dad ku dhex jira dowladda oo xogta u gudbiya Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here