Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo sagootin u sameeyay Hooyo Muddo Xanuunsaneyd: SAWIRRO

0
294

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan ambabixin ah xafiiskiisa ugu sameeyay dhibbane Deeqa Maxamed Makaraan oo ah Hooyo Soomaaliyeed oo in muddo ah la xanuunsan xanuun ka haleelay lugta bidix, uuna horay xaaladeeda caafimaad u damaanad qaadday Guddoomiye Madaale.

Dhibbane Deeqa oo dhawaan safar u ah dalka Turkiga si xaaladeyda caafimaad halkaas loogu dabiibo ayaa ugu mahadcelisay Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ballan-qaadka iyo garab-istaaga uu u muujiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here