Warshad Maandooriyaha lagu Farsameeyo oo lagu Burburiyay Duleedka Muqdisho: SAWIRRO + MUUQAALLO

0
347

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo ku-xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xalay goobjoog ka noqday hawlgal ay ciidanka booliiska qaybta Bariga ee Muqdisho ku burburiyeen warshad lagu farsameeyo maandooriye fara badan oo ka kooban calaq iyo xashiish.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay dulleedka deegaanka Gubadleey ee Gobolka Banaadir, waxaana halkaas loogu tagay calaq la farsameynayo iyo dadkii ku lugta lahaa sameynta mukhaadaraadkaas.

Guddoomiyaha deegaanka Gubadleey ayaa sheegay in hawlgalkan uu yimid kaddib dabagal ay ku sameeyeen kooxaha farsameeya maandooriyaha, ayna goobtani tahay meel hawd ah oo ay kooxahan kusoo dhuunteen, markii lagu beegsaday meel walba.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Madaale oo warbaahinta kula hadlay goobta hawlgalku ka dhacay ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay laba gaari oo ay lahaayeen kooxaha caadeystay sameynta maandooriyaha, dhawr qof gacanta kula jiray sameynya maandooriyaha iyagana gacanta ayaa lagu dhigay, maxkamad ayaana lasoo taagayo.

Dhanka kale, Duqa Muqdisho ayaa faray hay’adaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan laba qof oo rag iyo dumar kala ah oo magacyadooda la siiyay, kuwaas oo hormuud u ah sameynta warshaddan calaqa iyo maandooriyaha kale lagu farsameeyo.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Yabooh oo isna goobta ka haldlay ayaa sheegay in hawlgallada noocan oo kale ah ay sii soconayaan inta laga maandooriye oo dhan laga soo afjarayo, iyadoo ay tahay markii saddexaad oo hawlgallo noocan ah maamulka Gobolka Banaadir u tagaan Deegaanka Gubadleey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here