Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan ku-xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda, Maxmed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo xubno kale ayaa xalay u tagay dadkii ay saameynta ku yeesheen roobabkii shalay ka da’ay Muqdisho.
Duqa Muqdisho iyo xubnaha la socday oo ay ku jiraan Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa gurmad kala duwan u fidiyay qoysaskii ay waxyeelladu soo gaartay oo u badan carruur, haween iyo waayeel.
“Roobabka oo muddo yar socday ayaa geystay waxyeello aad u badan, waxaana u gurmannay 70 qoys u badan waayeel, carruur iyo hooyooyin ay saameyn xooggan roobabku u geysteen guriyihii ay ku noolaayeen ee degmada Warta Nabadda,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.
Sidoo kale, Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in roobabku ay gwysteen dhimashada afar qof iyo burbur hantiyeed oo aad u badan, isagoo xusay in degmooyin badan oo caasimadda dalka ka tirsan ay waxyeello ba’an u geysteen daadad roobka ka dhashay.
Dhanka kale, Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, Saynab Xaabsay ayaa mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir iyo Dowladda Dhexe uga warbixisay khasaarihii uu roobku u geystay dadka ku nool degmadaas oo ahayd meelihii uu roobku dhibaatooyinka xoggan ka geystay.
Ugu dambeyn, Dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay roobabkii mahiigaanka ahaa ee Muqdisho ka da’ay Jimcihii shalay ayaa la gaarsiiyay gurmadka kala duwan oo uga yimid Dowladda Hoose iyo Dowladda Dhexe.
















