Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa la kulmay madaxa ugu sarreeya hay’adda Qatar Charity, mudane Yuusuf Axmed Al Kawaari.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa madaxda hay’adda Qatar Charity uga mahadceliyay barnaamijyada horumarineed oo ay ka fuliso magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii loo ballaarin lahaa mashaariicda ay hay’adda Qatar Charity ka fuliso magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa horay ula kulmay dhiggiisa caasimadda Qatar ee Doxa, iyagoo kawada hadlay sidii labada magaalo ay u yeelan lahaayeen iskaashi buuxa.















