SAWIRRO: Suxufiyiin iyo Booliis loo furay Tababar la xiriira Xoriyatul Qowlka iyo Amaanka: MUUQAAL

0
79

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cusmaan Cabullaahi Kaniif, ayaa tababar ku saabsan Xoriyatul Qowlka, badqabka saxafiga iyo Ilaalinta Nabadgalyada Guud maanta u furay 25 sarkaal oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Tababarkan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay hay’adaha UNESCO iyo UNSOM, waxaana si wadajir ah ula fulinaya taliska ciiidanka booliiska Soomaaliyeed, tababarkan oo socon doona 3-da maalin ee kala ah 1-da illaa 3- May 2023, waxaana ujeeddadiisu tahay wanaajinta xiriirka ciidamada iyo saxafiyiinta.

Sidoo kale, Maanta oo ahayd maalintii 1-aad ee tababarka ayaa waxaa isugu yimid saraakiil ka kala socday ciidanka qalabka sida, gaar ahaan booliiska federaalka ah iyo kan Dowlad-goboleedyada, xoogga dalka, asluubta iyo hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha.

Ugu dambeyn, Maalmaha 2-aad iyo 3-aad ee tababarka ka soo qayb-gali doona 15 suxufiyiin oo ka kala tirsan ururrada iyo dalladaha warbaahinta ee ka hawlgala dalka. Iyadoo laga filanayo in tababarkan sii xoojin doono wada-shaqeynta togan ee u dhaxeysa ciidammada ammaanka iyo saxaafadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here