Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay barnaamijka (MAR KALE IFI MAGAALADAADA) oo lagu naleynayo Caasimadda Muqdisho.
Daah-furka naleynta Caasimadda ayaa caawa ka billowday waddada dheer ee Maka Al-Mukarama, iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay wehlinayeen Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda iyo Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa sheegay in maamulkiisa uu lacag dhan 2,500,000 oo doollar u qorsheeyay barnaamijka (MARKALE IFI MAGAALADAADA) oo lagu ifinaayo Caasimadda dalka ee Muqdisho.















