Guddoomiye Madaale oo Kormeeray ku maray Koontaroollada laga soo galo Caasimadda kana Qayb-galay kulan Dadweyne: SAWIRRO

0
264

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay kormeeray qaar ka mid ah kontorollada laga soo galo Magaalada Muqdisho, waxa uuna ka qayb-galay kulan lagu qabtay degmada Yaaqshiid.

Duqa Muqdisho waxaa kormerkan ku wehliyay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, xildhibaanno iyo taliyaha nabad-sugidda gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Guddoomiye Madaale waxa uu kormeeray olole nadaafadeed ka socday qaybo ka mid ah degmada Hawlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka ayaa kala qeyb-galay maamulka degmada Yaaqshiid kulan ay la qaateen qaar ka mid ah bulshada Waaxda Horseed ee degmadaas.

Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, xildhibaanno Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ka tirsan, Taliyaha nabadsugida G/Banaadir iyo agaasimayaal.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa kula dar-daarmay shacabka In ay ka shaqeyaan amniga iyo horumarada ka socda degmada Yaaqshiid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here