Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir oo kormeeray waddooyin iyo guryo ay saameeyeen Roobabka: SAWIRRO + VIDEO

0
465

Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Feysal Caraale Afrax oo ay wehliyaan gudoomiyeyaasha degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Heliwaa, iyo Daaru-salaam ayaa maanta kormeeray laamiyada iyo guryaha dadka shacabka ah ee ay saameynta ku yeeshay roobabka.

Kormeerka kaddib ayuu Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Feysal Caraale ayaa sheegay In xalwaara laga gaari doono maanta iyo berri biyaha fadhiya isgooska weyn ee Fagaxa, mar dambana aysan fariisan doonin biyo.

Ugu dambeyn, Roobabkii dhawaan Xamar ka da’ay ayaa waxa ay sababeen biyo fara badan oo fariistay waddooyinka qaarkood, kuwaas oo dhibaato ku qabaan shacabka iyo gaadiidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here