Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qaybgalay daahfurka barnaamijka Qaran ee tirakoobka dadka iyo guryaha Soomaaliyeed oo ay soo aggaasintay Wasaarada Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Daah-furka barnaamijkan oo uu goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Ahmed Jaamac, wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan DFS, wakiila ka socda beesha caalamka iyo marti-sharaf kale, waxaana lagu soo bandhigay ahmiyadda ay dowladnimada iyo ummadda Soomaaliyeed u leedahay hirgelinta tirakoobka dadka iyo guryaha.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ballan-qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu taageerayo hirgelinta barnaamijkan maadaama uu yahay mid faa’iido weyn xambaarsan isla markaana ay lagama maarmaan tahay daadajinta hirgelinta tirakoobka dadka iyo guryaha Soomaaliyeed.














