Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Qatar oo kawada hadlay Barnaamiyo uu ku jiro Gargaarka:SAWIRRO

0
467

Agaasimaha xiiirka dibadda iyo hay’adaha caalamiga, Mudane Maxamed Xasan ayaa kulan la qaatay Ku-simaha Danjiraha Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya, ahna Safiir ku-xigeenka safiirka, Mudane Naasir Ali.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta barnaamijyada gargaarka bani’aadamnimo ee Dowladda Qatar ka fuliso Gobolka Banaadir, sidii dowladda Qatar ay uga gacansiin lahayd Maamulka Gobolka Banaadir arrimaha horumarinta caasimadda iyo in laga wada qayb qaato shaqo-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, kulankan ayaa la iskula soo qaaday dhismaha dugsiyada farsamada gacanta, tababaridda shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar iyo dabagalka heshiisyada mataaneyn ee Muqdisho iyo Dooxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here