Duqa Muqdisho oo hambalyo u diray bulshada gobolka Banaadir

0
1168

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu Hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Gobolka Banaadir Munaasabadda Barakeysan ee Ciidul Fidriga, Asigoona Alle ka baryey in uu naga aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsaneyd ee aynu gudannay intii lagu jiray Bisha Barakaysnayd ee Ramadaan.

Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku bogaadiyey shacabka Gobolka Banaadir sida wanaagsan oo ay isugu gar-gaareen Bisha Ramadaan isla markaana ay ugu dulqaateen Marxaladihii kala gedisnaa ee Caasimada soo martay. Asigoona u rajeeyay in Ciidaan tan xigta eebe nagu gaarsiiyo Horumar iyo Barwaaqo.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kula dardaarmay Shacabka Gobolka Banaadir in farxadda Ciidul Fidriga awgeed uu qof kasta gacan ka geysto farxad gelinta dadka tabaaleysan, ka shaqeynta danta guud oo Amniga ay ugu horeyso, Midnimada iyo wadajirka, si loo gaaro Bulsho Nabad ah iyo Balad Nadiif ah.

-DHAMAAD-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here