Taliyaha Ciidanka Asluubta: Waxaan Eryay Askar Maandooriye Isticmaala: MUUQAAL

0
331

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka hadlayay munaasabad loo qabtay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu ciidanka ka eryay 32 askari oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo iaticmaala maandooriyaha xashiishka.

Jen. Mahad Cabdiraxmaan ayaa si cad u sheegay in askar cabtooy ah aysan ka mid noqon karin ciidanka, waxa uuna xusay in askari qof sheeganaya uu waddooyinka ku cabo calaq ay tahay sumcad-darro, taasna ay soo dhammaatay.

“In canshuurta laga soo ururiyo hooyada suuqa wax ku gadanaysa mushaar ahaan laguu siiyo, adigana aad maandooriye ku iaticmaasho taas waa mid aan maanta wixii dambeeya kuu suuro-galayn,” ayuu yiri taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Taliye Mahad ayaa sheegay in xashiishka isticmaalkiisa uu  mamnuuc ka yahay gaal iyo islaam, isagoo xusay inaan la aqbali karin in ciidanku ay isticmaalaan,. Waxa uuna sheegay in laba maalmood gudahood ciidanka asluubta laga eryay 32 askari oo cabtooy ah.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) dagaal ka dhan ah mukhaadaraadka, kuw iibiya, kuwa iaticmaala iyo kuwa sameeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here