Guddoomiyaha Degmada Kaxda oo Daah-furay Barnaamijka Dalxiiska Kaxda: SAWIRRO

0
472

Guddoomiyaha degmada Kaxda, Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta daahfuray barnaamjika dalxiiska degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Daahfurkan waxaa ka qayb-galay; wasiirro, guddoomiyeyaal degmo, agaasimayaal, saraakiil, aqoonyahanno iyo ganacsato, kuwaasoo ka mahadceliyay sidii loogu soo dhaweeyay degmada Kaxda.

Guddoomiyaha Kaxda, Mudane C/llaahi Sheekh ayaa ku bogaadiyay marti-sharafta ka qaybgalay daahfurka, sida ay u ajiibeen casuumadihii loo fidiyay, isagoo martida waqti kula qaatay goobaha cagaaran ee loogu talo-galay dalxiiska.

Ugu dambeyn, Waxaa maanta oo Jimco ah degmada Kaxda ku dalxiisay shacab fara badan oo ka kala tagay degmooyinka iyo deegaannada uu ka kooban yahay Gobolka Banaadie, iyagoo waqti qurux badan ku qaatay degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here