MUUQAAL: Afar wiil oo ku geeriyooday gurigii ay ku noolaayeen oo kusoo dumay: SAWIRRO

0
450

Afar wiil oo walaalo ahaa kan ugu da’da weyn uu 15-jir ahaa ayaa ku geeriyooday guri ay qoyskoodu deggenaayeen oo kusoo dumay, waxaana guriga dumay uu ka mid ahaa guryaha qadiimiga ah ee ku yaalla degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir.

Aabbaha qoyskan oo lagu magacaano Cabdi Maxamuud Xalane ayaa sheegay in dhacdadan naxdinta leh ay dhacday xalay gellinkii dambe, isagoo sheegay in carruurtii kale ee ka badbaadday shilka iyo hooyadood oo umul ah uu ka saaray dhsimaha.

“Xalay abbaare 3:00 habeennnimo ayuu gurigu dumay, afarta carruurta ah ee iiga geeriyootay bannaanka ayay jiifeen, maadaama cimiladu ay ahayd mid huur ah. Daryan aad u xoog badan ayaa dhacay xilli aan ku mashquulsanaa carruur aan daawo siinayay,” ayuu yiri aabbaha qoyska uu shilku ku dhacay.

Dhanka kale, waxaa saxaafadda la hadlay guddoomiyaha degmada Shingaani Aweys Camuudi ayaa shacabka ku nool guryaha qadiimiga ah ee degmadaas ugu baaqay inay ka feejignaadaan, si aysan ugu soo dumin.

Ugu dambeyn, Dhismeyaasha gaboobay ayaa marar bafan sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaarta dadka ku nool, tan oo u baahan in bulshada laga siiyo wacyigelin dheeraad ah iyo in ay ka fogaadaan dhismeyaasha qadiimiga ah oo kala kulmi karaan khasaare nafeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here