Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay wado Interlog la saarayo/SAWIRRO.

0
43

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Filish) oo ka jawaabaya cabashada wadayaasha Bajaajka iyo dadweynaha ayaa wado Interlog ah saaray Luuq ay maritaankiisa dhib ku qabeen Gaadiidka Bajaajka oo ka qeyb qaata koboca dhaqalaha dadweynaha Muqdisho.

 

Wadadan oo dheeerkeedu dhan yahay 30 Mitir oo u dhexeysa Masaajidka Madoow iyo Sayidka ee degmada Hawlwadaag waxaa durba soo dhoweeyey darawalada gaadiidka Bajaajka iyo dadweynaha, waxaana dhismaha fuliyey Agaasime ku xigeenka Waaxada Howlaha Farsamada ee dowladda Hoose Mudane Bashiir Shoombe shuute.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here