Laacibkii ugu muddada dheeraa Barcelona oo ku dhawaaqay inuu kooxda ka tagayo: SAWIRRO

0
410

Laacibka Barcelona, Sergio Busquets ayaa ku dhawaaqay in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan, kaddib 18 sano oo uu ku sugnaa garoonka kubadda cagta ee Camp Nou.

Daafaca dhexe ee Spain ayaa ku soo biiray kooxda Barcelona isagoo da’yar sanadkii 2005-tii, waxa uuna u saftay 719 kulan tan iyo markii uu ka mid noqday kooxdan magaca leh.

“Sharaf iyo sharaf ayey ii ahayd inaan xirto calaamaddan, laakiin wax walba waa inay soo afjaraan,” ayuu Sergio Basquets oo 34 jir ah u sheegay shabakadda Blaugrana ee ka faalloota isboortiga.waxa uuna intaas ku daray: “Ma ahayn go’aan sahlan laakiin wakhtigu waa yimid.”

Sergio Busquets ayaa qarka u saaran inuu kooxda Barca uu sanadkaan la qaado koobkiisii 9-aad ​​ee LaLiga, iyadoo kooxda Barcelona ay haatan 13 dhibcood ku hoggaaminayso horyaalka, iyadoo ay u harsan tahay shan kulan oo keliya.

Sidoo kale halyeeygan muddada fog lasoo joogay Barca, waxa uu ahaa laacibkii udub dhexaadka u ahaa saddexda koob ee horyaalka Qaaradda Yurub ee Champions League ee ay haysato.

Laacibkan reer Spain ayaa waxay inta ugu badan isku xirnaayeen laacibiinta kooxdan soo maray ee kala ah: Xavi iyo Andres Iniesta, iyadoo seddexda ciyaaryahan ay si gaar ah kooxda uga dhex muuqdeen intii uu tababaraha u ahaa; Pep Guardiola.

Dhanka kale, Sergio Busquests ayaa loo dhiibay kabtanimada Kooxda Barca markii uu Lionel Messi ka tagay 2021-kii, waxa uuna kooxda saftay 39 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Ugu dambeyn, Warbixinnada hordhaca ah ayaa sheegaya in Sergio Busquets laga yaabo inuu ku biiro kooxaha ka dhisan dalka Sucuudiga, inkastoo isaga uusan sheegin halka uu u dhaqaaqayo Barcelona kaddib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here