Mashruuc ku saabsan adeega la-talinta farsamada iyo abuurida khariidadda muuqaalka Dijitaalka ee Gobolka Banaadir oo ay maalgelinayso dowladda Japan, ayna fulinayso shirkad laga leeyahay isla dalka Japan ayaa maanta ka furmay safaaradda ay Somalia ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasoo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socota Maamulka Gobolka Banaadir.
Daahfurka mashruucan waxaa ka qayb-galay safiirka Soomaaliya u jooga dalka Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo ku xigeenka safiirka Japan ee dalka Kenya, Mudane Yasuhisa Kitagawa, waxa uuna sheegay inay ku faraxsan yihiin in maamulka Gobolka Banaadir ay kala shaqeeyaan fulinta mashruucan oo ah mid ay Muqdisho ku yeelanayso khariidad casri ah oo laga heli karo maabka caalamiga ah ee Internet-ka.
Sidoo kale, Mas’uuliyiinta ka socday maamulka Gobolka Banaadir ee kulanka ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in mashruucan uu yahay mid ay Muqdisho kula tartami doono caasimadaha kale ee adduunka.
Guddoomiye ku xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Xasan Maxamed Jimcaale oo kulanka ka jeediyay hadal kooban ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid sare u qaadaya hannaanka dhujitaalka ee Muqdisho, kaasoo fursad weyn u ah horumarka caasimadda.
Agaasimaha mashaariicda iyo xiriirka caalamiga ah ee maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdiraxmaan Xayle ayaa sheegay in mashruucan uu soo socday muddo lix sano ah, uuna yahay mid laga heli doono Internet-ka, muujinayana qaab-dhismeedka caasimadda dalka, sida waddooyinka, suuqyada, dhismayaasha iyo muuqaalka guud ee Gobolka Banaadir.
“Faa’iidada mashruucan iyo ujeedooyinka laga leeyahay waxaa ka mid noqon doona: 1-Sawiridda Magaalada Muqdishi ee dhanka Satellite-ka, 2-Asaaska Barta Xakameynta Dhulka (GCP), 3-Soo-saarka khariidadda magaalada Topographic, 4-Horumarinta Nidaamka GIS Web, 5-Tababarka Shaqaalaha Dowlada Hoose,” ayuu Agaasime Cabdiraxmaan Xayle u sheegay Idaacadda Codka Caasimadda.
Dhanka kale, Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Kenya, Maxmuud Axmed Nuur (Tarsan), horayna u soo maamulay Gobolka Banaadir oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in mashruucan uu faa’iido weyn u leeyahay Caasimadda dalka, isagoo ku taliyay in mashruucan uu noqdo mid si wadajir ah looga faa’iideysto.
Ugu dambeyn, Mashruucan ayaa waxa uu haddii la hirgeliyo sahli doonaa in qofka aan weligii Muqdisho imaan uu qaab aad ku fudud ku tegi karo meel walba oo uu uga baahdo Caasimadda Soomaaliya.















