Maareeyaha Tiyaatarka: Bahda Fanku Qayb ayay ka yihiin Dagaalka lagula jiro Khawaarijta

0
329

Maareeyaha golaha murtida iyo wacyigelinta Qaranka, Cusmaan Cabdullaahi Guure oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in bahda suugaanta ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin dagaalka ka dhanka Khawaarijta Al-shabaab ee ka socda dalka.

“Dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta waxaa muhiim ah in shacab iyo dowladda laga wada qeyb qaato, si looga saaro meesha kooxdaasi, bahda fankana waxaa ay qeyb ka yihiin bulshada ku jirta dagaalka” ayuu yiri Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure.

Dhinaca kale, maareeyaha ayaa faah faahin ka bixiyay tartan fanka ah oo dhowaan ka furmi doona Tiyaatarka Qaranka, kaasi oo ay ka soo qeyb gali doonaan dhammaan bahda fanka.

Mudane Guure, ayaa sheegay in tartamayaasha ay ku tartami doonaan suugaan Wadani ah, sidoo kalena bahda Farshaxanka ay hibadooda ku soo bandhigi doonaan.

Ugu dambeyn, waa markii u horreysay burburkii kaddib oo tartan nuucan oo kale ah lagu qabto tiyaatarka Qaranka, waxaa xusid mudan in tartankan uu abaal marintiisa bixin doono Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here