Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxriisto Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Marxuum Cali Ugaas Cabdulle.
Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in marxuumka uu kaalin weyn kasoo qaatay nabadeynta, isku keenida ummadda Soomaaliyeed iyo dib u yagleelidda dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxa uuna eebbe ugu baryay marxuumka in uu jannadii fardowso ka waraabiyo.
Ugu dambeyn, Rabbi ha u naxariistee Cali Ugaas Cabdulle ayaa Duqa Muqdisho soo noqday sanadihii 1987-1990 oo dalka ay ka talinaysay Dowladdii Kacaanka.













