Booliska Soomaaliya iyo INTERPOL oo Askari ku eedeysan dil kasoo Qabtay Dalka Suudaanta Koonfureed: MUUQAAL

0
343

Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo gacan ka helaya booliiska caalamiga ah ee Interpol ayaa gacanta kusoo dhigay dable ka tirsan booliiska Soomaaliya oo ku eedeysan fal dambiyeed dil ah.

Diyaarad sida eedeysane dable booliis, Zakariye Cali Axmed Cosobow oo ku eedeysan in 28-kii Luuliyo 2022-kii uu degmada Dayniile, gaar ahaan Waaxda Kordamac ugu geystay dil bareer ah marxuum ex-xidigle booliis, Cali Xasan Siyaad (Cali Tareen) oo ka tirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliyeed, ayaa xalay ka soo dagtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed, ayaa xeer-ilaalinta ciidamada ku wareejiyay eedeysane Zakariye Cali, kaasoo laga soo qabtay dalka South Sudan oo uu baxsad ahaan ku tagay falka dilka ah kaddib.

Booliiska Caalamiga ah ee (Interpol), ayaa fududeeyay in eedeysanahan gacanta lagu soo dhigo, taasoo caddeyn u ah in cidna aanay ka dhuuman karin awoodda sharciga.

Ugu dambeyn, Garoonka diyaaradaha AAIA ee Muqdisho waxaa ku sugnaa xilliga laga soo dajinayay eedeysanaha ehelada marxuumka, saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliyeed iyo booliiska Interpol iyo mas’uuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here