Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa xarigga ka jaray xarunta cusub ee qaybta qalliimada iyo daweynta wadnaha ee isbitaalka Soomaali Suudaanees oo laga hirgaliyay magaalada Muqdisho, waxaana goobjooga ka ahaa xarig-jarkan wasiiro ka tirsan XFS iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir.
Goobta ay munaasabadda ka dhacday ayaa lagu soo bandhigay macluumad la xariira muhiimada iyo tayada adeegan caafimaad ee ay soo kordhisay isbitaalka Soomaali Suudaanees iyo baahida ay u qabeen bulshada Soomaaliyeed ee kunool gudaha waddanka.
Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa bogaadiyay talaabooyinka horumarka leh ee ka socda Caasimadda, isaga oo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo xarumaha caafimaadka in ay waddanka ka hirgaliyaan adeegyada sida gaarka ah u taabanayo bulshada.





































