Golaha Ammaanka ee QM oo Faahfaahin laga siiyay Horumarrada ay ku Tallaabsatay Dowladda Soomaaliya

0
378

Ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Kiki Gbeho oo ka hadashay kulan gaar ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka yeesheen arrimaha Soomaaloyaya ayay sheegtay in Dowladsa Soomaaliya ay guulo waaweyn ku tallaabsatay tan iyo fadhigii ugu dambeeyay ee Golaha Ammanka uu Soomaaliya ka yeeshay bishii September ee sanadkii hor.

“Inkastoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay caqabado badan ku gudbanaayeen, haddana horumar la taaban karo ayay ka sameysay arrimaha muhiimka ah ee Qaranka” ayay tiri Kiki Gbeho.

Iyadoo sii hadlaysa ayay mar kale tiri: “Guulaha ay gaartay Dowladda Soomaaliya waxaa ka mid ah joogteynta wadashaqeyn dhow oo ay la yeelatay dowladaha xubnaha ka ah federaalka. Guulo ayay ka gaatay dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo iyadoo weli ku socota waddadii lagu dhameystiri lahaa hannaanka deyn cafinta ee 2024-ka.”Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa hadalkeeda waxa ay ku tiri. “Horumarka ay samaysay Dowladda Soomaaliya waxa uu abuuray jawi wax ku ool ah, si loo suuro-geliyo horumar laga gaaro ku sii socoshada ajandaha dowlad-dhisidda. Udub-dhexaadka ajandahan waa dhameystirka geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka oo loo dhan yahay, la iskuna raacsanyahay”.

Ugu dambeyn Kiki Gbeho ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbatay in gacan lagu siiyo dowladda Soomaaliya dadaallada ay doonayso in dalka oo dhan looga xoreeyo argagaxisada, ayna ku dhameyatirayso hannaanka guud ee dowladnimada.

Halkan ka DAAWO MUUQAALKA Kiki Gbeho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here