Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Xasan Jimcaale iyo xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka, Mudane Faysal Carraale Afrax ayaa si rasmi ah u furay tabbabar ku saabsan hoggaaminta maamulka maxalliga ah oo diiradda lagu saarayo waajibaadka shaqo ee xubnaha goloyaasha deegaanka.
Tababarkaan oo socon doonna ilaa saddex maalmood ayaa waxaa si gooni ah uga faa’iideysanaya guddoomiye ku-xigeennada degmooyinka ee arrimaha bulshada iyo siyaasadda, sidoo kale hoggaanka urrurada dhallinyarada ee degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir.















