Maamulka G/Banaadir oo kordhiyay Waqtigii loo qabtay Mooto Bajaaj-ta – soona saaray digniino: VIDEO

0
420

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa kordhiyay muddadii loo qabtay Mooto Bajaaj-ta, kaddib markii ay ka cawdeen milkiilayaasha Mootooyinka saddexda lugood leh inaysan ku filnayn muddada diiwaan-gelinta iyo rinjiyeynta Mooto Bajaajta.

Bayaan kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in markii uu guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) dhagetstay guddiga maareynta Mooto Bajaajta iyo sidoo kale milkiilayaaasha Mootooyinkan, muddadii loo qabtayna ay maanta 15-ka Mayku ekeyd, loo kordhiyay muddo sagaal casho ah.

Qoraalka kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu yiri:

1. Diiwaangelinta iyo midabeynta Mooto Bajaaj-ta waxa ay ku eg-tahay 24-ka bishan May, 2023-ka.

2. Marka ay Taariikhdu tahay 25-ka May, 2023-ka waxaa Magaalada Muqdisho ka shaqeyn kara oo keliya Mootooyinka leh sumadda A ama B.

3. Taariikh 25-ka May, 2023-ka, waxaa ka shaqeyn doona Xamar Mootooyin ay ku suntan yahay xarafa A, halka maalinta xigta ee 26-ka May, 2023-ka ay ka shqeyn doonaan Caasimadda Mootooyinka ay ku suntan yihiin xarafka B. Sidaas ayayna ugu kala shaqeyn doonaan Mooto Bajaaj-ta.

4. Laga billaabo 25 May, 2023-ka, haddii la arko Mooto aan hannaanka diiwaangelinta soo marin oo magaalada ka shaqeynaysa waxaa lala tiigsan doonaa sharciga.

Ugu dambeyn, Bayaanka waxaa lagu xusay in Mootadii si suuq madow ah lagu soo midabeeyo, iyadoo hannaanka sharciga ah la baal-marayo ay muteysan doono waxa uu sharcigu ka qabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here