Maamulka gobolka Banaadir oo dhiiragalinaya waxbarashada iyo tayadeeda.

0
103
Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, ayaa kormeer shaqo ku tegay Xarunta Waxbarashada iyo Jaamacadda SOS, halkaas oo uu kulan xog-wareysi ah kula yeeshay maamulka iyo waalidiinta ardayda, isagoo dhagaystay warbixin ku saabsan xaaladda waxbarasho ee xaruntaasi.
Intaas kaddib, Guddoomiye Ku-xigeenka waxa uu booqday Dugsiga Waxaracadde ee degmada Heliwaa, kaas oo qorshuhu yahay in si rasmi ah loo hawlgeliyo sannad-dugsiyeedkan cusub.
Kormeerkan ayaa waxaa Guddoomiye Ku-xigeenka ku wehlinayay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo wasaaradda waxbarashada, oo ay ka mid ahaayeen:
Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed.
Agaasimaha Waaxda Dugsiyada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Maxamuud Xasan Cabdulle (Aspro).
Agaasimaha Waaxda Macallimiinta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Cali Cabdi Maxamed.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo ajendaha Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ee ah dhiirrigelinta waxbarashada iyo hubinta tayada adeegyada tacliinta ee ka jira caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here