SAWIRRO: Gubadley oo u soo gudbtay Finalka Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir

0
434

Deegaanka Gubadley ee Gobolka Banaadir ayaa u soo gudbay wareegga u dambeeya ee Koobka degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir iyo weliba degmada Balcad, kaddib markii ay ka adkaadeen degmada Yaaqshiid.

Cayaarta oo ahayd mid xiso badan ayay cayaartoyda labada kooxood waxa ay soo bandhigeen cayaar la jeclaystay, waxayna qaybta koowaad ee cayaarta ku kala nasteen 0-0.

Markii la isugu soo laabtay qaybta labaad, waxa ay koox walba isku dayday inay guusha la hoyato, balse ma jirin koox gool dhalisay, waxaana 90-kii daqiiqo ee cayaarta loogu talo-galay ay kusoo dhammaatay barbarro 0-0 ah, waxaana ay isla aadeen gool-ku-laadyo.

Mas’uuliyiinta Gubadleey iyo Yaaqshiid ayaa ka mid ahaa dadkii daawanayay cayaarta, iyadoo taageerayaasha labada kooxood ay buuxiyeen garoonka Injineer Yariisoow (Ex Conis Stadium) oo ay kooxuhu ku cayaarayeen.

Gool-ku-laadyadii ayaa waxay guushu ku raacday kooxdii matelaysay Gubadleey oo dhaliyay 4-gool, halka kooxdii magaca degmada Yaaqshiid ku cayaaraysay ay dhaliyeen 1-gool oo keliya, waxa ayna qasaariyeen laba gool, taasoo rajadooda god ku ridday.

Ugu dambeyn, Deegaanka Gubadleey oo markii ugu horreysay soo gaaray heerka kama dambeysta ah ee ciyaarahan, ayaa waxa ay sugayaan inay cayaarta kama dambeysta ah la cayaaraan kooxdii soo baxda Warta Nabadda iyo Shangaani oo cayaari doona Arbacada berri ah.

Xuquuqda Sawirrada: Astaan Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here