MUUQAAL: Guddoomiye Ciise Guure oo sheegay inay garab-taagan yihiin dhallinyarada Dalka

0
268

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir. Mudane Ciise Maxamuuf Guure ayaa ka qayb-galay furitaanka shirka Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed, kaasoo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaana dhallinyarada laga filayaa inay kasoo saaraan qodobbo lagu xoojinayo horumarrada ay tiigsanayaan, maadaama ay yihiin kuwa ugu tirada badan bulshada Soomaaliyeed

“Dhallinyarada, waxaa looga fadhiyaan in maskaxdooda ay shiilaan, fikrado is-dhaafsadaan, ayna la yimaadaan hal-abuur,” ayuu yiri Guddoomiye Ciise Guure, oo intaas ku daray in dhallinyaradu ay yihiin hoggaamiyeyaasha maanta.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Ciise Maxamuud Guure ayaa yiri: “ka Gobol ahaan, waxaa inaga go’an in aynu garab-istaagno dhallinyarada Soomaaliyeed meel walba oo ay jogaan.”

Waxa uu hadalkiisa ku daray: “Haddii la idin dhihi jiray, waxaad tihiin hoggaankoi berri, waxaan aaminsanahay inaad tihii awooddii maanta idinka ayaa la idin suagayaa, waana inaad la timaadaan fikirro wax ku ool ah.”

Ugu dambeyn, Furitaankii shiirkan waxaa goobjoog ka ahaa nas’uuliyiinta Dowladda oo uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana shirkaan soo agaasintay wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here