Kooxda Kubadda Cagta ee Maamulka G/Banaadir oo hal gool uga badiyay Kooxdii u Cayaaraysay Koonfur-galbeed: Sawirro

0
333

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, ku-xigeenka arrimaha bulshada, wasiireo, xildhibaanno, agaasimeyaal iyo guddoomiyeyaal degmo ayaa ka qaybgalay daawashada kulanka galabta garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium ku dhex-maray xulalka gobolka Banaadir iyo Koonfur-glbeed, taasoo qeyb ka ah koobka maamul-goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Kulankan oo ahaa mid xiiso badan ayaa waxaa u soo daawasho tagay in ka badan 70,000 oo taageerayaal ah, waxa ayna qaybta 1-aad kusoo idlaatay barbar dhac 0-0 ah, balse isku soo laabasho kaddib kabtanka xulka gobolka Banaadir, Khaalid ayay u suuro-gashay in gool qurux badan uu ku hubsado shabaqa kooxda Koonfur-galbeed, taasoo ka dhigtay in ay cayaarta ku dhamaato 1-0 oo ay guusha ku raacday xulka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Madaale ayaa u hambalyeeyay xulka gobolka Banaadir guusha ay maanta gaareen iyo cayaar-wanaagga asluubeysan oo ay soo bandhigeen. Waxa uuna u rajeeyay in kulamada u harsan ay guulo waa-weyn ka keenaan, si ay u difaacdaan koobkan oo sanadkii u dambeeyay ay ku guuleysteen xulka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here