Guddoomiye ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir oo Xilka u kala wareejisay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada karaan iyo kii hore/Sawiro.

0
100

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada iyo wacyi galinta maamulka gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa maanta xilka u kala wareejisay Gudoomiyihii hore ee Degmada karaan iyo Gudoomiyaha Cusub oo Maanta xilka lawareegay.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Mdane Abshir Maxamed Maxamuud (Abshir Kaaraan) ayaa ballan qaaday in uu wax badan Ka qaban doono amniga degmada oo maalmaihii dambe laga deyrinayey, waxa uuna shacabka Ka codsaday iney la shaqeeyaan.

Munaasbada oo ka dhacday xarunta Maamulka degmada Kaaraan ayaa waxaa goobjoog Ka ahaa Odayaasha dhaaanka, dadka deegaanka, Haweenka, qaar Ka mid ah Madaxda Degmooyinka iyo agaasimayaal Ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here