Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo loo soo xiray Tababar: SAWIRO

0
404

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir agna guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda G/Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure oo uu wehliyay Xoghayaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa soo xiray tababar muddo shan maalmood ah Muqdisho ugu socday Guddoomiye ku-xigeennada degmooyinka ee arrimaha bulshada iyo siyaasadda, sidoo kale hofgaanka ururrada dhalinyarada ee degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir.

Tababarkan oo ku saabsanaa aqoonta hoggaaminta maamulka maxalliga ah ee Dowladdaha Hoose ayaa waxaa diiradda lagu saaray waajibaadka shaqo ee xubnaha golayaasha deegaanka, hoggaaminta ururrada dhallinyarada iyo u adeegida bulshada oo ka koobnaa macluumaad dhan 11-cutub.

Sidoo kale, Ku-simaha Duqa Muqdisho, Mudane Ciise Guure ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiintii tababarkan dhameystay in aqoonta ay ka faa’iideysateen ay ku saleyaan fulinta waajibaadka ay u haayaan bulshada ku nool Caasimadda.

Ugu dambeyn, Munaasabadda xiritaanka tababarkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Banaadir, agaaismaha Qorahayahta iyo la-taliyaha Duqa Magaalada Muqdisho ee dhanka xuquuqda carruurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here