Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday askartii ka dameeysay weerarkii ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, 27-kii Febaraayo ee sanadkan kaas oo lagula beegsaday guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Saleemaan Maxamuud iyo askar ilaalo u ahayd.
Weerarkaas waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ilaalada guddoomiyaha oo laftiisa uu ka soo gaarau dhaawac iyo dad shacab ah oo ku sugnaa isgoyska ay shaqaaqadu ka dhacday.
Askarta dilka toogasho iyo xabsiyada lagu xukumay ayaa waxay magacyafoodu kala yihiin:
1. Cabduqaadir Xasan Cabdulle (Sheelaro) oo lagu xukumay dil toogasho, isagoo loo haysto in uu dilay lix ruux oo ay ka mid ahaayeen; Ilhaan Cabdijamaal Maki oo uur lahayd, C/llaahi Cabdi Maxamuud oo ahaa darawal gaari, Ilyaas Axmed Nuur, Ayuub Daa’uud Xuseen, Cabdikhadar Maxamed Xuseen iyo Isaaq Xuseen Maxamuud oo ahaa darawaliinta ku shaqeysta mootada loo yaqaan Bajaaj-ta.
2. Axmed Mire Cismaan Fiidow, Maxamuud Cabdi Maxamed, Cabdullaahi Cismaan Isaaq Ibraahim oo loo heysto inay dileen Cabdullaahi Maxamuud Huubleey iyo Daahir Xuseen Axmed Doolli oo ka tirsanaa ilaalada Guddoomiyaha degmada Yaaqshii, waxaana kulligood lagu xukumay dil toogasho ah.
3. Ayaanle Maxamed Diiriye Warsame iyo Sayid Cali C/llaahi Abshir oo loo heysto in mid uu riday xabadii ugu horreysay midna uu isku dayay marin habaabinta garsoorka, waxaana lagu xukumay min 5-sanadood oo xabsi ciidan ah.
Sidoo kale, Maxkamadda Ciidamadda ayaa min saddex sano oo xabsi ciidan ah ku riday; Cabdikariin Shaafici Cismaan, Cabdullaahi Cali Isxaaq, Cabdikariin Maxamed Siyaad, Cabdullaahi Xirsi Geedi, Maxamed Cali Cabdullaahi oo dhammaan lagu helay falal isugu jira; Handadaad, Amar-diiddo ciidan iyo inay u dhaqmeen sida maleeshiyo oo kale.
Ugu dambeyn, Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sii daysay Axmed Cali Axmed Maxamuud (Macallinka) oo wax dambi ah lagu waayay sida uu u sheegay Warbaahinta Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, Xasan Cali Nuur (Shuute).












