Ciidamada Deegaanka Bulacle oo dilay saddex dhagarqabe, gacantana ku dhigay mid kale iyo hubkiisii: SAWIRRO

0
368

Ciidanka deegaanka ee ka hawlgala aagga deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa maanta soo afjaray koox Khawaarij ah, iyaga oo dilay saddax dhagarqabe, mid kalena nolosha ku qabtay, sidoo kale Mooto FEKON ah iyo ugu yaqaan hal qori oo AK47 ah ayaa laga furtay Khawaarijta.

Saraakiisha hoggaaminaysay ciidamada fuliyey hawlgalkaas ayaa warbaahinta u sheegay in kooxdaas oo siddeed dhagar-qabe ka koobnaa ay ku baacsadeen dhulka hawdka ah ee deegaanka Bulacle, isla markaana ay ku guuleysteen inay dilaan saddax ka mid ah, halka mid kale ay nolosha ku qabteen.

Saraakiil ka mid ah ciidanka deegaanka, hey’adda NISA, ciidanka xoogga dalka iyo mas’uuliyiin uu horkacayo guddoomiyaha Dhuusamareeb, Macallin Cabdiraxmaan Geeda-Qorow ayaa gaaray deegaanka Bulacle oo lagu soo bandhigay maydka iyo maxbuuska Khawaarijta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here