Saraakiil Wasaaradda Maaliyadda XFS ka tirsan oo Xabsiga loo Taxaabay: WAR-SAXAAFADEED

0
272

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ku guuleystay in lasoo xiro saraakiil ka tirsan waaxda canshuuraha berriga ee wasaaradda maaliyadda Somalia oo ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne.

AKHRISO WAR-SAXAAFADEED:

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka duulaaya waajibaadkiisa shaqo ayaa ku guulaytay in Iasoo xiro saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda XFS, gaar ahaan qaybta canshuuraha berriga kuwaas oo ku eedaysan xatooyo xoolo dadwayne iyo samaynta dukumiintiyo dowladeed oo been abuur ah sida; boonooyin lacag qabasho ah oo lagu qoray xog been abuur ah.

EEdaysanayaasha lasoo xiray ayaa waxa ay kala yihiin; khasnajiga xafiiska cashuuraha berriga ee degmada Warta-Nabadda iyo madaxii hare xafiiska cashuuraha berriga ee degmada Warta-Nabadda, haddana ah madaxa canshuuraha berriga ee degmada Xamarjajab iyo Sarkaal kale.

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu u gudbin doonaa eedaysanayaasha marka ay soo dhamaato baarista kiiska Ioo haysto maxkamadda awoodda u Ieh, si Ioo horkeenno cadaaladda, xafiisku waxaa uu digniin culus u dirayaa cid walba oo ku hawlan fal-dembiyeedyada sare ku xusan ee ah damaaciga hantida dadwaynaha iyo samaynta dukumiintiyada been abuurka ah.

Dhanka kale, xafiiska xeer-ilaaliyaha guud waxa uu boogaadinayaa hawl-gallada lagula dagaallamayo xatooyada xoolaha shacabka Soomaaliyeed iyo samaynta dukumiintiyo been-abuurka ah ee ay wadaan hay’adaha amniga.

Ugu dambeyn, Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha waxa uu uga digayaa saraakiisha dowladda Soomaaliya, shirkadaha iyo hay’addaha la macaamila hay’addaha dowladda dhexe inay qayb ka noqdaan dembiyada Ia xariira Musuqmaasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here