Maamulka Gobolka Banaadir oo ku guuleystay furidda waddooyin ku xirmay Roobabkii tododbaadkan ka da’ay Magaalada Muqdisho: SAWIRRO

0
151

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ku hawlan dib u soo celinta bilicda caasimadda iyo furista waddooyinka, kaddib roobabkii xoogganaa ee ka da’ay magaalada, kaas oo saameyn ku yeeshay kaabayaasha isku socodka iyo bilicda magaalada Muqdisho.

Hawlwadeennada waaxyaha hawlaha guud, nadaafada iyo bilic soo celinta oo kaashanaya maamullada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay qaadista biyihii uu roobka dhigay waddooyin muhiim u ahaa isku socodka bulshada, iyagoo dib u soo celiyay bilicda iyo nadaafadda waddooyinkaas.

Sidoo kale, waxaa si dardar leh ku socda qorshaha lagu soo gaba-gabeynayo nadaafadda iyo bilicda waddooyinka harsan ee magaalada Muqdisho, isla markaana dib u hagaajin iyo dib-u-dhis lagu sameenayo waddooyinka uu burburka soo gaaray.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka da’ay roob aad u xooggan toddobaadkan, kaasoo khasaare weyn gaarsiiyay waddooyinka caasimadda, waxaana uu sidoo kale sababay dhimasho iyo burbur dhismayaal ku yaalla Muqdisho, waxaana roobabkan lagu sheegay kuwii ugu xooggaa ee muddo ku dhaw 30-sano ku da’ay magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here