Raiisal Wasaraha Somalia ayaa Xafiiskiisa Safiirka Qatar kulan kula Yeeshay

0
1030

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamza.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay  xiriirka labada dal, habsami u socodka mashaariicda horumarineed ee Qatar ka hirgelineyso Soomaaliya iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahad celiyay Safiirka Qatar sida ay taageerada had iyo jeer u siiyaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Safiirka Qatar ayaa dhankiisa sheegay inay dardar gelin doonaan mashaariic horumarineed oo ay ka fuliyaan meelo kamid ah Soomaaliya, sidoo kale ay dowladda Federaalka kala Shaqeyn doonaan Arrimaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here