Ciidamada XDS iyo kuwa deegaanka oo Burburiyay Saldhig ay Khawaariijtu ku lahaayeen Gobolka Galguduud

0
281

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhig kooxda khawaariijta ay ku lahaayeen dhul hawdka deegaanka Cali Yabaal oo hoos-tago degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Dagaal xooggan ayaa ka socday deegaanka Cali Yabaal waxaam ayna ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka si rasmi ah gacanta ugu dhigeen goobahii khawaariijta u ahayd saldhig.

Saraakiisha CXDS iyo kuwa ciidamada dib u xoreynta deegaanka dagaalka ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in dagaalku uu billowday saaka aroortii ayaa illaa hadda socda, waxaana khawaariijta loo geystay jab xooggan.

Kooxda Khawaariijta ah oo isku dayay in ay difaacdo saldhigga laga burburiyay ayaa ugu dambeyn cagta la mariyay oo laga saaray, waxaana hadda xabbadu kasii dhacaysaa dhulka hawdka ah Cali Yabaal iyo Cowswayne u dhexeeya.

Ugu dambeyn, Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa maalin baadi-gooba maalin walba xubnaha Khawaariijta ka tirsan ee ku dhuumaaleysanaya dhulka keynta ah, kuwaas oo hadda noqday qaar la dilay iyo kuwa nolosha lagu soo qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here