Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta soo xiray tababar socday muddo 3-maalmood ah oo loo qabtay ururka haweenka gobolka Banaadir, kaas oo ku saabsanaa doorka hoggaaminta haweenka.
Xiritaanka tababarkan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir, xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyaha ururka haweenka gobolka, waxaana inta uu tababarkan socday looga dooday xoojinta ka qayb-galka kaalinta haweenku ay ku leeyihiin siyaasadda iyo in haweenku noqdaan hoggaamiyeyaal saameyn leh.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in haweenka ay tiir adag u yihiin midnimada ummadda Soomaaliyeed, dhismaha dowladnimada iyo dib u soo kabashada dalka.




















































