Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo salaaddii Jimcaha kaddib khudbo jeediyay ayaa sheegay inay dowladdu qaadday tallaabooyin lagula dagaallamayo musuqmaasuqa, kuwo kalena ay soo waddo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay dowladda gacan ku siiyaan sidii wax looga qaban lahaa dadka musuqa ku lug leh.
“Shacabka kama doonayno inay kuwa gala dambiyada soo qabtaan ama soo sheegaan, keliya waxaan ka rabnaa in aysan ka daba imaan marka cadaaladdu ay gacanta ku dhigto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sheegay in qofka la soo eedeeyo haddii ay maxkamadi sheegto in uusan gelin dambiga lagu soo eedeeyay, waa aamin xil sare ayaa la siin doonaa buu yiri, waayo maxkamad ayaa caddeysay inuu aamin yahay.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in wiil yar oo daqliga soo-gala la ogyahay uu daaro dhaadheer Xamar ka dhistay, shacabka dhexdiisana waa ka ammaan yahay, balse xaqiiqadu waa tuug.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadka haya xilalka sare ee ay ka mid yihiin maaliyadda iyo meelaha kale ee laga shakiyo cadaaladda ayaa la hor-geynayaa, waana la shaki baxayaa.













